exclamation icon

Frequently asked questions for Hennepin Health SNBC plan members who joined April 1, 2025.

hennepin health your community health plan logo

Hennepin Health
  • Home
  • Members
  • Providers
  • About
    • Website
    • Provider updates

  • Find a provider/clinic
  • •
  • Forms/documents
  • •
  • Renewals
  • •
  • Get a ride
  • •
  • Services
  • •
  • Rewards
  • •
  • Wellness
  • •
  • Plans
  • •
  • Member News
  • •
  • •
  • Forms/formulary
  • •
  • Prior authorization
  • •
  • Claims/billing
  • •
  • Provider resources
  • •
  • Provider updates
  • •
  • Contract/registration
  • •
  • Provider Portal
  • •
  • Contact
  • •
  • About
  • •
  • Awards/recognition
  • •
  • Care coordination
  • •
  • Health care fraud/abuse
  • •
  • Quality management
  • •
  • Blog
  • •
  • Community outreach
  • •

Qaado fasalka cunto karinta oo 8 usbuuc soconaya oo hel adeeg cunto oo bilaash ah

Hennepin Health waxay xubnaheeda u furaysaa barnaamij loogu magac daray Flavors of Health. Iyadoo la soo marinayo barnaamijkan, xubnaha Caafimaadka ee Hennepin oo fasalka cunto karinta ka qaado Xarunta NorthPoint Health & Wellness Center ama Xarunta Hennepin Healthcare Redleaf Center for Family Healing qofka barnaamijka isku qora wuxuu heli doonaan 8 usbuuc oo adeeg cuntoo oo bilaash ah oo guryahooda loogu gaynayo. Si aad uga qaybqaadato qofka waa inuu buuxiyaa mid ka mid ah shuruudahan:

  • Waa inaad uur leedahay
  • Aad qabtaa xanuunka sonkorowga
  • Aad qabtaa wadne istaag cabbursanaan

Ma jiro wax kharash ah oo lagaa rabo si aad uga qaybqaadato.

Fasalka cunto karinta waxaad ku baran doontaa sida loo sameeyo cunto dhadhan fiican leh oo adiga kuu fiican. Waxaad ku tabbabaran doontaa diyaarinta iyo karinta cunto jiko oo dhab ah si aad u la timaado xirfaddahaaga iyo kalsoonidaada cunto karinta. Fasalka wuxuu soconayaa ilaa 90 daqiiqadood.

Waxa aad baran doontid

  • Dhadhamin cunto, gacan ku qabashada, iyo farsamooyinka cunto karinta
  • Talooyin cunto karin oo loogu talagalay dadka dhaqdhaqaaqooda xaddidan yahay
  • Karinta cunto qoyskaaga iyo dhaqankaagaba ku habboon
  • Sida carruurta looga qaybgeliyo cunto karinta
  • Sida cuntada loogu isticmaalo sida loo maareeyo loona wanaajiyo caafimaadkaaga
  • Sida si farxad leh loogu kariyo cunto dhadhan leh marka la samaynayo cunto adiga iyo qoyskaagaba u wanaagsan

Farsalka marka aad qaadato ka dib, xirfaddaha cusub ee aad baratay u isticmaal guriga cuntada lagu siiyo 8da usbuuc.

Iska diiwaangeli mid ka mid ah goobahan si aad u qaadato fasalka cunto karinta

NorthPoint Health & Wellness Center, 2220 Plymouth Avenue North, Minneapolis, MN 55411

  • Arbacada, 3-4:30 p.m., Fasalka koowaad wuxuu noqon doonaa maalinta Arbaco, 19ka bisha Fibraayo
  • Turjumaano ayaa jooga
  • Ilmaha waa lagaa haynayaa
  • Si aad isugu qorto soo wac 612-543-2500

Hennepin Healthcare Redleaf Center for Family Healing, 717 South 6th St, Minneapolis, MN 55415 (barta laga galo Dhismaha Purple Building)

  • Isniin, 3-4:30 p.m.
  • Turjumaano ayaa jooga
  • Ilmaha waa lagaa haynayaa
  • Si aad isugu qorto soo wac 612-873-MAMA (6262)

Sida ay ushaqeyso

  1. Soo wac si aad isaga diiwaan geliso fasalka cunto karinta ee Xarunta NorthPoint Health & Wellness Center ama Xarunta Hennepin Healthcare Redleaf Center ee loogu talagalay Bogsiinta Qoyska
  2. Soo xaadir ugu yaraan hal fasal oo cunto karin ah. Hubi in macalinka fasalka uu haysto ama haysato cinwaankaaga saxda ah ee lagaala soo xiriirayo.
  3. Fasalka markuu dhammaado ka dib, waxaad heli doontaa 8 toddobaad oo cunto ah oo gurigaaga laguugu keenaayo adiga oo aan wax kharash ah kaaga baxayn.
  4. La-hawlgalayaasha Hennepin Health, NourishedRx, waxay kuu soo diri doonaan iimayl iyo/ama way ku soo wici doonaan si ay kula wadaagaan macluumaad dheeraad ah iyo gaarsiinta cuntadaada laguu keenayo.
  5. Haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan gaarsiinta cuntada, la soo xiriir NourishedRx:
    Iimeel: foh@nourishedrx.com
    Fariin-qoraal: 888-564-1077
  6. Xirfaddaha aad ka barato fasalka cunto karinta u isticmaal si aad u kariso cunto dhadhan fiican leh oo qoyskaagaba iyo adiguba idin wanaagsan.

DHS approved 12/20/2024 MC-1693-MC

 


Contact us

phone icon

612-596-1036, TTY 711

More contact info

Health and wellness

health and wellness icon

Info for a healthy you

Learn more
  • Contact
  • •
  • Careers
  • •
  • Nondiscrimination notice
  • •
  • Notice of privacy practices
  • •
  • Language and civil rights notices

Hennepin County logo © 2025 Hennepin County, Minnesota
Follow us